Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Garoowe: 25, October 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in Xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay Amniga, Arrimaha Gudaha Iyo Dumuqraadiyeynta, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada Tayeynta Adeegyada Iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.



Puntlandes.com

About The Author