Sawirro-muuqaal: Munaasabad dhaqaale loogu uruurinayo wadada isku xirta Gaalkacyo, Galdogob iyo Bursaalax oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo

29 Okt 2020 (Puntlandes)  Munaasabad ballaraan oo dhaqaale loogu uruurinayo wadada isku xirta degmooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Bursaalax ayaa waxay ka dhacday ,magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay Isimada deegaanka oo iyadoo wadadaan lagu dhisayo si iskutashi ah, waxaana Isimadu ay goobta kaga dhawaaqeen guddi maamulaya dhismaha wadada kaas oo ka kooban 30 xubnood oo magacyadooda goobta laga akhriyey.
Dadkii munaasabada ka soo qayb galay ayaa ku yaboohay 266 fuusto oo shidaal ah oo u dhiganta 26.600 doolar. iyadoo goobtii dhagaxdhigana lagu yaboohay 194 fuusto oo u dhiganta 19.400 doolar.
Dawladda Puntland oo fulinaysa codsiga shacabka deegaanku ay u gudbiyeen madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku deeqday qalabka wadada lagu dhisayo.
Isimada ayaa waxay dadka wanaaga jecel ugu baaqeen inay ka qaybqaataan dhismaha wadadaan oo ah waxa ugu fiican ee la sadaqayso in wado la dhiso.



Puntlandes.com

About The Author