Madaxweynaha Hirshabelle Waare oo magacaabay Guddiga Doorashada Dadban ee Hirshabelle

29 Okt 2020 (Puntlandes)  Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Doorashada Dadban ee dowlad goboleedyada Hirshabelle, 8-da Xubnood ayaa waxaa wehlin doona 3 Xubnood oo ka imaan doona dawladda Federaalka iyadoo wadarta guud ee guddigu yahay 11 xubnood.

Xubnahan 8da ah ayaa saddex ka mid ah waxa ay yihiin dumar, waxaana lagu wadaa inay ka shaqeeyaan howlaha doorashada dadban ee lagu soo dooranayo magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Puntlandes.com

About The Author