Dhagayso: Wafti ka kooban Puntland & DFS oo gaaray Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug

Wafti ka kooban DFS iyo Puntland ayaa maanta gaaray Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmadaasi iyadoo kulumo kale duwan ay ka qaaday dadweynaha degmada iyo deegaanada hoos yimada.

Waftigan ayaa waxaa hogaaminaya Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad waxaa ka mid ah mas’uulyihin kale duwan oo ka socda dowlada Puntand oo agaasimiyaal kujiraan.

Waftigan ayaa kulumo kula qaatay Jariiban ee Gobolka Mudug qaybaha bulshada iyo maamulka degmada waxaa caawa la filayaa in ay gaaraan degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Cabdulaahi Cali Yuusuf oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in deegaanka xaalada adag oo biyo la’aan ah kajirto.

 

Puntlandes.com

About The Author