Sawiro: Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Dooxa kulan ku yeeshay iyo Heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal

WARSAXAAFADEED

Doha, Arbaco 18 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa dadaalada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato Xasiloonida Siyaasadeed, Kobcinta Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maalgashiga iyo taageerada Hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha labo heshiis oo wax ka tari doona Waxbarashada iyo Duulista Hawada iyadoo ay Soomaaliya heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali. Dawladda Qatar waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Waxbarshada, Mudane Mohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo Wasiirka Gaadiidka, Mudane Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti.
Heshiisyadani waxaa qayb ka ah in dayuuradda Qatar Airways ay bilawdo duulaamdyo ay ku tagi doonto dalka Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka gaysato waxbarashada sare si ay uga faa’iidaystaan ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu yiri

“Waxaan ugu horrayn uga mahad-naqayaa dawladda Qatar ee aan walaalaha nahay soo dhoweynat balaaran ee walaaltinimadu ay ku dheehantgahay iyo sida ay markasta diyaarka ugu tahay in ay gacan nagu siiyaan dib-u-dhiska Soomaaliya iyo dadaaladda Xukuumaddu ay ugu jirto Soomaaliya oo xasiloon, dadkeeduna ay ku talaabsadaan horumar buuxa. Waxaan sii xoojin doonnaa Iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
“Heshiisyada ay Xukuumaddu la gashay dawladda Qatar ee Waxbarashada iyo Duulista Hawada waa kuwo ahmiyad u leh dadkeena iyo dalkeena Soomaaliya xilli aan kasoo kabanayno burburkii nagu dhacay. Waxaan sii kordhin doonnaa heshiisyada noocaan oo kale ah oo wax weyn ka taraya dib-u-dhiska Soomaaliya iyo in aan dawladda Qatar ku dhiiri-galinno in ay maal-galiso Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.”

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiirka Caafimaadka, Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Mudane Cumar Idriis, Danjiraha Soomaaliya ee Qatar.

IMG_1796

IMG_1797

IMG_1804

IMG_1808

IMG_1821

IMG_1825

IMG_1830

IMG_1869

IMG_1884

IMG_18021

Puntlandes.com

About The Author