Sawirro: Axmed Karaash oo qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee DFS iyo Wefti uu hoggaaminayo

17 Nov 2020 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid, Agaasimaha Mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Soomaaliya Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo Agaasimaha Mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Puntland Cabdullaahi Maxamuud Warsame.


Puntlandes.com

About The Author