Ergeyga Gaarka ah ee QM Nicholas Kay oo ku faraxsan sida ay Soomaalidu uga go’antahay in lagu adkeysto jadwalka Aragtida Hiigsiga 2016

Muqdisho, 18 Maarso 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay sida adag ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-Goboleedyada uga go’antahay inay ka soo baxaan shuruudaha iyo jadwalka waqti ee Aragtida Hiigsiga 2016, si loo dhammeystiro geeddi-socodka sameynta maamul-goboleedyada federaalka Soomaaliya, dib u eegidna loogu sameeyo dastuurka ku-meelgaarka, iyadoo aan waxba lagu kordhinaynin muddada xilka Madaxweynaha Federaalka iyo Baarlamaanka bisha September ee sannadka 2016, sida ku qeexan Dastuurka federaalka ku-meelgaarka.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, wuxuuna kala hadlay horumarka laga gaaray nabadaynta iyo dowlad-dhisidda ka socda dalkoo idil. Sidoo kale wuxuu socdaal ku tagey Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo halkaasoo uu kula kulmay madaxda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba, Sheekh Axmed Islam ‘Madoobe’ iyo Maamulka Ku-Meelgarka ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Isagoo xusuusanaya waajibaadka uu Golaha Amaanku u xilsaaray oo ah inuu ugu deeqo awoodda dhexdhexaadinta Qaramada Midoobay iyo inuu bixiyo talo siyaasadeed ee istaraatiji ah si uu gacan uga geysto dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto nabadaynta iyo dowlad-dhisidda, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri: “Waxaa idhiirigeliyay ballanqaadka adag ee aan ka maqlay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda Puntland, Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Koonfur Galbeed oo dhammaantood ballanqaaday inay hirgeliyaan qorshaha Aragtida Hiigsiga 2016 ee Soomaaliya iyadoo aan waxba lagu kordhinaynin muddada xilka Baarlamaanka ama Madaxweynaha marka la gaaro bisha September ee sannadka 2016. Waxaa dalkoo idil ka jira go’aan ah in la dhowro jadwalkan waqti ee lagu ballansanyahay, laakiinse waxaa jira welwel ah in waqtigu uu aad u yaryahay.”

“Waxaa aad la isugu raacsanyahay in loo baahanyahay in la qabto dhowr arrimood oo taariikhi ah inta u dhexeeya maanta iyo billowga bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana ka mid ah magacaabidda xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Qaranka iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaaleynta iyo hawlgelinta Guddiyada; baarlamaan goboleedyo loo wada dhanyahay oo loo sameeyo Maamulka Ku-Meelgaarka Jubba iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Koonfur Galbeed; maamullo ku-meelgaar ah oo loo sameeyo Gobollada Dhexe iyo Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan; laamaha fulinta iyo baarlamaanka oo isku afgarta jadwal sharcidejin, oo ay ka midtahay in mudnaanta la siiyo Hindise-sharciyeedyada Xisbiyada Siyaasadda, Jinsiyadda/Muwaadinimada, Sharciga Doorashada iyo Maxkamadda Dastuurka; iyo weliba horumar la taaban karo oo laga gaaro geeddi-socodka dib u eegidda dastuurka iyadoo la raacayo Heshiiskii Is-Afgaradka ee dhowaan laga gaaray.”

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada beesha caalamku waxay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed oo ku hawlan ajendahan hanka weyn ee dowlad-dhisidda ee ay dejisteen. Bilaha soo socda waxaa dalka booqasho ku iman doona guddi farsamo ee ka socda Qaramada Midoobay oo gacan ka geysan doona dib u eegidda horumarka loo qaaday dhanka doorashooyinka. Waxaa bisha Juun ee sannadkan magaalada Muqdisho isugu iman doona saaxiibada Soomaaliya oo ku kulmi doona Madasha Iskaashiga Heerka Sare si ay uga baarandegaan isulana gorfeeyaan horumarka laga gaaray siyaasadda iyo amniga ee ka mid ah Hanaanka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee Soomaaliya, sidii la isku raacay shirkii Copenhagen ee bishii November 2014.

“Dabayaaqada sannadkan 2015, waxaa loo baahan doonaa in dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso dalkoo idil, sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-Goboleedyada Ku-Meelgaarka, bulsha rayidka, iyo Beesha Caalamka – ay ka baaraandegaan sida ugu wanaagsan ee sannadka 2016 loo gaari karo geeddi-socod loo wadadhanyahay oo dadka wakiil ka ah. Hadda lama joogo waqtigii arrintaa laga doodi lahaa, maadaama aanan weli ogeyn inta uu la ekaan doono horumarka dhanka siyaasadda iyo amniga laga gaari doono Soomaaliya markaas. Marka la gaaro waqtigaas, waxaa muhim noqon doonta wadatashi ballaaran oo laga yeesho, heshiisna laga gaaro arrinta. Haddase, arrinta mudnaanta leh ee la isku afgartay waa dadaalka wadajirka ah ee loogu jiro dhammeystirka sameynta maamul-goboleedyada, dib u eegidda dastuurka federaalka iyo in la qabto shaqada gogolxaarka asaasiga u ah dimuqraadiyaynta.

“Waxaan soo dhoweynayaa kulanka madaxda Dowladda Federaalka, Baarlamaanka, Maamul-Goboleedyada Ku-Meelgaarka iyo Puntland ay Garoowe ku yeelan doonaan horaanta bisha April. Waxaan rajeynayaa in madaxdu ay ku guuleysan doonaan inay si guud isula ogolaadaan jadwal siyaasadeed oo si cad u waqtiyaysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Waxaan si aad ah Dowladda Federaalka ugu ammaanayaa sida ay ugu heellantahay inay dardargeliso horumarka aadka loogu baahanyahay ilaa iyo inta laga gaarayo dhammaadka muddada xilkooda oo ah bisha September 2016, waxaana soo dhoweynayaa ka qaybgelinta dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ee sameysmaya si ay u taageeraan geeddi-socodkan. Waxaan u riyaaqay geesinimada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxaana Xildhibaanada ugu baaqaya inay laballaabaan dadaalkooda kalfadhiga soo socda si ay u ansixiyaan shuruucda lagama maarmaanka ah. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay la shaqeyso dadka Soomaaliyeed si loo taageero nabad, xasillooni iyo horumar ka hanaqaada dalkoo idil,’ ayuu raaciyay.

Dhamaad

 

UNSOM

About The Author