Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo arrimo amni loo xiray

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa la xiray, iyadoo arrimaha loo xiray lagu sheegay mid amni.

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in sababaha xiritaanka Safaaradda ay tahay tallaabo dib loogu eegayo Amniga Safaarada.

Inkastoo aan la sheegin qatar argagixiso oo ku soo fool leh, hadana tani ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah sugida amniga Safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay Caalamka oo horay uu digniino uga soo saaray suurta galnimada weeraro lagu qaado.

Mas’uuliyiinta Safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in muwaadiniinta wixii adeeg ah oo ay uga baahan yihiin ay ka heli karaan qunsuliyadda,

Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh Jabuuti, waxaana ka jooga ilaa 4-kun askari, waxaana saldhiga sidoo kale saldhigyo milateri ku leh Jabuuti dalalka Faransiiska iyo Japan.

Jabuuti oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaaxi ay ku badan yihiin reer galbeedka, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab.

Puntlandes

About The Author