Muuqaal: Golaha Wakiillada dawladda Puntland oo goáan ka gaaray dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Bosaso

28 Nov 2020 (Puntlandes) Fadhiga 18aad ee Kalfadhiga 47aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.

 


Puntlandes.com

 

About The Author