Dawlada somalia oo ku amartay safiirka kenya inuu dalka ka baxo, kan Somalia uyeertay

29 Nov 2020 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u fadhiyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), iyadoo ku amartay Safiirkii Kenya ee joogay Muqdisho Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ayaa goordhow warbaahinta dowlafda ka akhriyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si bareer ah u faragelineyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Jubbaland.

Xoghayaha Joogtada ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay dowladda Kenya ku cadaadineyso carqaladeynta heshiiskii doorashooyinka ee ay Muqdisho ku gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in Safiir Tarsan uu maaölmahan Muqdisho ku sugnaa halka Safiirkii Kenya Lucas Tumbo uu isna dalkiisa ku sugnaa oo uusan joogin Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author