Madaxweynaha Puntland oo amray khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports ee dekadda Bosaso in lagu shubo akoonada maamulka dekadda Bosaso

Garoowe: 30 November 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray wareegto Madaxweyne Lr. 06, 30 November 2020, ayaa ku wargeliyey Maamulka Dekadda Bosaso in Khidmada ay qaado Shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada Maamulka Dekeda Bosaso.
Wareeegto Lr. 06, ee 30ka November 2020, kuna saabsan wargelin
Ku: Maamulka Dekedda Boosaaso
Og: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
Laga billaabo 1da December 2020, waxaa Maamulka Dekedda Boosaaso lagu wargelinayaa in khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada hoos ku qoran ee Bangiyadda Amal iyo Salam oo ay leedahay Maamulka Dekeda Boosaaso;
1. Bangiga Amal AC. 1013677059
2. Bangiga Salam AC. 80650000
Fulin Wacan
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland
=DHAMMAAD=

About The Author