Fadeexad, Shirkada Lasiinayo Jaamacada Maakhir oo la ogaadey ineysan Tagin Baran. 

Warqabadka Puntlandes,  Oo xiriiro kala duwan la sameysay Puntland Ayaa soo ogaatay Warkii ugu Muhimsanaa kaasoo Cadeynaya In Shirkada  ( Consolidating Engineering ) eysan Tagin Puntland gaar ahaan Dagmada Baran.

Hadaba waxaa La-Yaab ah in Shirkad aan sameyn ( Site-Visiting ) Sahan-Booqasho  in la siiyo Qandaraas Malaayiin Dollar ah?? Waxaa Iyana Suaal ah, Shirkad uu lee yahay Ninka lagu Magacaabo Engineer Maahir, Oo La-Taliye u ah Shirkada NARCO oo Iyana la-talisa Hayada ( Kuwait Fund ) Lasiiyo Mashruucan?? Waa Suaal aaway Kalsoonidii Qandaraaska?? Aaway Balantii aheyd Shirkaduhu Waa iney Booqdaan Dagmada Baran?? Waa suaale Ninkan Engineer Maahir Ma NARCO ayuu u shaqeeyaa?? Mise Shirkadiisa gaarka ah (Consolidating Engineering?? sow  Dano gaar ah kama muuqadaan Mashruuca ( Conflict Of Interest)  Hadaba Musuqmaasuqan ka Dhanka ah Jaamacada Maakhir Ayaa hada Khatar uugu jira in Afka la iska mariyo Lacagta Mashruuca  Jaamacada Maakhir.

Waxaan lee nahay Shacabka Reer Maakhir Kakaca Hurdada oo Jaamacada Maakhir Haloo Gurmado.

Puntlandes.com

About The Author