Qarax lala beegsaday shaqaalaha Turkiga ee dhisaya wada Afgoye iyo Muqdisho, khasaaraha..

02 Jan 2021 (Puntlandes) Qarax is-miidaamiin ah ayaa maanta ka dhacay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho halkaas oo ay dhismo ka wadaan Injineero Turki ah iyo shaqaale kale.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, kaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada Booliiska Haramcad ee ku sugan wadadaasi.

Ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada Haramcad ee ilaalinayey Injineerada ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen 3 ka mid ah shaqaalaha Turkiga iyo 4 ka tirsan askarta Haramcad.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ay la beegsadeen saraakiil Turki ah & ciidamo.

Sidoo kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay sarkaal Turki ah iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Haramcad, sida ay hadalka u dhigtay.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax lala eegto shaqaaladha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author