Xukuumadda Professor/ Dr. Gaas iyo arradka hogaamineed

Marka la arko Xukuumadda professor/Dr. Gaas iyo qaabka ay wax u sheegaan ama u soo saaraan warbixinta xukuumada, amaba u maamulaan waxaa kuu soo baxaysa aqoon dari, wax qabad la aan iyo in ay mar walba si indho adayg ah wax aysan lahayn u sheegtaan. Ninbaa inta layaabayay sida ay  dhamaantood inta ”Tie iyo Suit” la isku wada giijiyo oo ay hor istaagaan meel qurux badan oo xukuumadii ka horaysey dhistay uu markaas professor/Dr. Gaas xariga ka jaro ku bilaabo khudbadiisa ” wataas oo horumarkii aan idiin sheegayey oo ay xukuumadaydu!!! ku balan qaaday”  buu ninkaasi u bixiyey magaca ah Xafladjoog. Wuxuuna ka qoray qoraal qosol ah oo  uu uga hadlayo marka ay Xukuumada Gaas ka dhamaato xarig  jarka mashaaricdii kuxuumadihi ka horeyey ee Puntland in ay furidoonaan mar labaad iyo mar sadexaad dekedda iyo mashaariicdii xukuumadii mileteriga.

649

 

Wali fari kama qodna faanoolee, xukuumadda professor/Dr. Gaas marka ay shirayaan khamiista waxaa looga hadlaa shirkaas, nin meel tegey, mid kasoo noqday iyo waliba xaflado la qabanayo sida soo dhawaynta shirka federaalka oo sedixdii usbuuc ee la soo dhaafay ku jirtey ”Agenda:ha” shirka. Xukuumada professor/Dr. Gaas Waxaa caado u ahayd oo kale in marka uu professor/Dr. Gaas uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo noqonayaba la xiro iskoollada iyo xafiisyadda dawladda oo dumarka shaqaalaha ah iyo hooyooyinkaba inta loo soo xiro dhar ka samaysan calanka ay is tubaan garoonka diyaradaha. Marka Hadda su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay inta madaxda koonfurtu dalka joogto ma waxaa la joojin adegii bulshada oo meelaha ay ku shirayaan iyo meelaha ay ka soo dageyaan baa lagu hayn ””Guulwadow Gaas aabihii garashadda geyigayagoow ” Gaas issagu wuxuu noqonayaa gudoomiye gobol. Illeen iyadoo la marayo 2015 ayaynu ka baranay Xukuumada professor/Dr. Gaas in la guulwadeeyo oo kaliya oo halkii ummadda wax loo qaban lahaa lagu mashquulay intaas oo keliya iyo sheegasho wax kastoo umadi qabsatay. Marka wax qabad laga hadlana yiraahda sootaanu garoon ka bilownay Boosaaso, illeen waa ku qabso ku qadi mayside waxay kaloo sheegtaan   mashruuca jaamacadda maakhir, oo waa sheegtaan mashruuca garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Bal wax qabad daaye intii looga tegey bay mar hore kala khiyaameen. Garoonka Boosaaso, waxay bedeleen design:kii oo waxay ka goosteen kharashkii 1000m iyagoo shalay oo ugu danbeysey ay isku dayayeen in ay difaacaan oo u sharaxayey  sida tan in ay  kaliya kala qaybiyeen ee aysan wax beddelin.  Waxaase  ugu qosol badnayd, marka laga soo tago Sheegashada iyo bililiqada ay boobeen lacagtii 1000m ee garoonka in ninka wax sharaxey oo laga sii daayey PLTV oo sheeganayey title:ka Maareeyaha Garoonka uu isa soo duubay issagoo cagaftii dhulka qodaysey hagaya. Bal iswaydiiyoo isaguna ma shirkada garoonka dhisaysa buu part-time Xamaali ugu shaqeeyaa???? Illeen waa kan ciida wax ka qufayee??

Waxaa kuu soo baxaysa aqoon darida iyo in aan qofka u shaqeeyaa xukuumada   professor/Dr. Gaas uusan garanayn waxa ay shaqadiisu tahay, issaguba ha ugu horeeyee.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author