Daawo muuqaal: Madaxweyne Deni oo guddi u magacaabay cabooshooyinka la xiriira shillin soomaaliga

Filed under: Wararka maanta |

10 Jan 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.


Guddiga ayaa ka kooban:

1-Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.
2-Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.
3-Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).
4-Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
5-Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
6- Bangiga Dowladda Puntland.
7-Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.


DHAMMAAD