Sawirro-muuqaal: Wasiir Dhabancad oo Garowe ka daahfuray shir ku saabsan ka hortaga Xasaradaha & Colaadaha geeska Afrika

24 Jan 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo daah-furay shir looga hadlayey ka hortaga Xasaradaha iyo Colaadaha geeska Africa.

Ujeedka Shirka ayaa ku saabsanaa Soomaaliya nooca colaadaha ka jira baahiyahooda iyo sidii loo dhisi lahaa awoodaha Hay,adaha qaabilsan ka hortaga iyo la tacaalidda Xasaradaha iyo dagaalada iyo dhismaha Nabadda, waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo khuburo ka socotay urur goboleedka IGAD.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ugu horeyn aad u soo dhaweeyey isagoona sheegay in shirka muhiimka ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka maamulada Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD yimaadeen in lagu qabto Puntland khaastan Caasumadda Puntland Garowe.

Sidoo kale Wasiir ayaa sheegay in shirka lagu dhiraan dhirin loogana doodi doono nooca Xasaradaha iyo dagaalada iyo dhibaatooyinka kale dhaca ee u baahan in hay,adaha qaabilsan xalintooda loo dhiso awoodaha si waa faqsan ama la socota baahiyaha jira si markaa ay baahiyaha wax uga qabtaan.




Puntlandes.com

About The Author