Sawiro : Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay aas-qaran oo Garoowe loogu sameeyey Allaha unaxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari

WARBIXIN+SAWIRRO: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 29-3-2015 ka qeyb-galay aas-qaran oo magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland loogu sameeyey Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweyne Gaas ayaa tagey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe oo laga soo dejiyey meydka Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-bari oo lga keenay magaalada muqdisho oo ah halka lagu dilay marxuumka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Gen : Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, ehelada Marxuumka iyo masuuliyiin kale ayaa iyana ka qeyb-galay aaska qaran.

Meydka Marxuumka ayaa markii laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe kadib loo soo gudbiyey qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, waxaana halkaas salaadi jinaasada ku tukaday Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinti kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa alle uga baryey marxuumka in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay.

” Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya,  jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Saaxibo gaar ah oo muddo dheer wada shaqeeyay ayaanu ahayn howlo badan wada qabtay, waxyaabaha runtii uu caanka ku ahaa oo dadka Soomaaliyeed aysan ogayn oo isaguna mar walba ku dadaali jiray waxa ay ahayd ilaalinta xaquuqul insaanka ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in meel looga soo wadajeesto cadowga dilay marxuumka ee caadaystay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed, hal doorka Soomaaliyeedna maalinba mid dilaya sida uu sheegay Madaxweynuhu.

” Waxaan kaloo rabaa inaan udiro fariin dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa 27-kii bishan u geeryooday dhaawac ka soo gaaray weerar koox hubaysan ay ku qaadeen Hoteelka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_2725 IMG_2728 IMG_2731 IMG_2737 IMG_2740 IMG_2741 IMG_2742 IMG_2746 IMG_2748 IMG_2753 IMG_2761 IMG_2765 IMG_2770 IMG_2772 IMG_2778 IMG_2790 IMG_2796 IMG_2801 IMG_2810 IMG_2811 IMG_2818 IMG_2832 IMG_2837 IMG_2839 IMG_2844 IMG_2847 IMG_2850 IMG_2853 IMG_2855 IMG_2857 IMG_2858 IMG_2863 IMG_2867 IMG_2869 IMG_2871 IMG_2874 IMG_2875 IMG_2879 IMG_2886 IMG_2888 IMG_2892 IMG_2894 IMG_2897 IMG_2898 IMG_2900 IMG_2901 IMG_2908 IMG_2910 IMG_2911

 

Puntlandes.com

About The Author