Dhagayso: VOA ”Madaxweyne Gaas adigu waxaad ka soo jeedaa G. Galgaduud…”

Madaxweynaha Puntland Dr:Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo marti ku ahaa Barnaamijka wicitaanka dhagaystaha ee ka baxa laanta Afka Soomaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay arimo ay kamid yihiin Amaanka ,Dhaqaalaha iyo siyaasada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa ku faanay sidii caadada u ahayd mashaariicdii ay keentay dawladii tiisa ka horaysay ee uu madaxda ka ahaa Dr faroole sida Garoomada Bosaso iyo Garowe, wadada u dhexaysa Garowe iyo Galkacyo, Jaamacada Maakhir ee Baran.

Mar la waydiiyey dhaqaale xumo laga sheegayo deegaanada Puntland gaar ahaan ciidanka oo aan qaadan musha harkooda ayuu kaga jawaabay “warkaa waxba kama jiraan in badan way qaataan mushahaarkooda waxay qaataan gunooyinkooda waxay qaataan raashin waa dhici kartaa in mararka qaarkood uu mashahaarku uu soo daaho waa war xumo tashiil iyo wax la buun buuninayo”.

Dhagayste ka soo hadlay Boosaso ayaa wuxuu waydiiyey Dr Gaas su’aashan “Maxaa keenay in saraakiil khibrad leh mudo badana soo shaqay naysay oo hogaaminaysay dagaalka lagula jiro Alshabaab tababaro badana leh laga qaado xilalka loona dhiibo rag qurbo jooga, waxaa kaloo wax laga waydiiyey Amniga magaalooyinka waawayn Puntland ee aadka u xumaaday mudooyinkii dambe ”

Waxaa uuna Gaas kaga jawaabay qofka masuulka masuuliyada waa loo dhiiba wana laga qaadaa waxa uuna sheegay in masuul uu isagu xilka ka qaaday kadib markii dhibaato katimi shaqaduu hayay siduu sheegay sarkaalka kalana uu kasoo baxay goob furin ah wakhti xun oo uu amar diido uga soo baxay. Dhanka Amniga Dr Gaas ma uusan ku jawaabin wax dhaafsiisan in ay qalab u gadeen Booliiska garore.

Mar ay waydiisan wariyaha VOA su’aal ahayd in ay Puntland qaybteeda ka hesho DFS deeqda lacageed ee ay banaanka ka hesho ayuu wuxuu Dr Gaas ku jawaabayaa ”Qaybsiga Khayraadka dalka iyo mucaawinada dibada laga helo waa waxyaalaha loo baahan yahay in ay ka wado hadlaan dawlada Puntland iyo ferderaalka, runtii Puntland oo ah sadexmeelood oo meel Soomaaliya marka loo eego xag dhul ama dad wax dhaqaalo ah oo ka soo gaara dhanka ”dawlada dhexe”  ma jirto haba yaraatee.

Waxaa Dr ay VOA du waydiisay aragtidiisa ku aadan qorsha ay DFS garwadeenka ka tahay ee maalmuka loogu samaynayo Gobolda dhexe ”Mudug” iyo Galgaduud iyadoo ay ahayd su’aashu ”Muran baa ka taagan halka shirka lagu dhisayo maamulkaas lagu qabanayo, adigu gaar ahaan waxaad ka soo jeedaa Gobolka Galgaduud Puntland door mak a qaadanaysaa isku soo dhawaynta dhinacyad” wuxuuna ku jawaabay Dr Gaas si degen ”anígu waxaan qabaa waxa la isku hayo waa in ay yihiin wax la taaban karo….. waxaana jeclaan lahaa in dadka maamulka dhisanaya loo dhaafo oo ay iyagu ku heshiiyaan, gacan sadexaadna aysan imaan..”

Halkan ka dhagayso Dr Gaas


Puntlandes.com

About The Author