Dhagayso: Madaxweynihii hore Puntland Dr Faroole oo si kulul uga hadlay dilkii Bari-bari lagu dilay Muqdisho

1157

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa tacsi u diray ehelada,qaraabada iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee uu ka dhintay Allaha ha u naxariistee Ambasador Yuusuf Bari-bari.

Faroole ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Xasuuqa ka dhacay Muqdisho,waxaana uu xusay in Dawlada Federaalka ficil celinteedu ay kusoo koobantay tacsi.

Madaxweyne Faroole oo tilmaamaya Bari Bari ayaa yiri ‘’Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-bari wuxuu ahaa nin qiimo iyo qaayo ugu fadhiya umada Soomaaliyeed,aad iyo aad baan uga naxay geerida naxdinta leh iyo dadka Soomaalida ah ee maalin kasta Hoteelada lagu Xasuuqayo,kii kan ka horeeyay uu ahaa Central Hotel’’

Wuxuu intaas ku sii daray Faroole ‘’Safiirka in si gaar ah loo illaaliyo ayay ahayd,waan ku dhaliilayaa Federaalka,mida kale tacsi wax dhaafsan maso sheegaan Federaalku,lama baaro,waxba lama soo sheego dambe,aad iyo aad baan uga xumahay’’

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa reer Puntland uga digay inay Muqdisho u Safraan,xilli Muqdisho ay noqotay Xabaalaha waxgaradka Soomaaliyeed.

madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Ambasador Bari-bari ay u yeertay Dawlada Muqdisho,si Safaaradda looga badalo,xilli buu yiri aanan garanayn waxa reer Puntland ay ku haystaan Saafaradaha.

‘’Dadka waxaan u sheegayaa Muqdisho illaa ay amaan noqoto yaan la aadin,Safiirka waa loo yeeray waxaa la rabay in la badalo,annigu garan maayo waxaanba ku haysano Safaaradaha dibada’’Ayuu yiri Dr. Farole.

Dr. Farole wuxuu shaki adag ka muujiyay qaabka uu u dhacay dilka Ambasaor Yuusuf Bari-bari. DFS ayaa looga baahnaa inay illaaliso amaanka dadka aan Gurayaha ku lahayn  Muqdisho wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-dii.

Dhagayso Codka Farole

Puntlandes.com

 

About The Author