Sharcinimada Xeerka uu saxiixay Farmaajo

28 Jan 2021 (Puntlandes) June 27, 2020 ayaa fadhi ay fadhiday boqol afartan iyo lix (146) xubnood oo Golaha Shacabka waxaa lagu ansixiyey qaraarka Meteladaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir. Boqol Afartan iyo labo (142) ayaa ansixisay. Afar (4) xubnood ayaa diidday. Sidaas ayaana qaraarka waxaa ku saxiixay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Qaraarku saxiix Madaxweyne uma baahnayn oo Guddoomiye Mursal ayaa qalinka ku duugay, hoos ka akhrso. Qaraarku sharciyan saxiix Madaxweyne uma baahdo oo waa soo jeedin iyo talo in sidaa la yeelo laga badin waayey.

Labo hindise ayaa Baarlamaankeenna kasoo baxa. Labada hindise ayaa kala ah Qaraar iyo Xeer. Sida caadiga ah hindise kasta oo sifo sharci ah soo mara oo habraacyada dastuurka la waafajiyo, labada Aqal ee Baarlamaanku u coddeeyaan ayaa wuxuu ku dambeeyaa saxiixa Madaxweynaha si xeerkii sharci u noqdo oo loona faafiyo oo loogu dhaqmo.

Guddoomiye Mursal maalinta uu Qaraarka soo saaray asagoo og in waxa soo baxay xeer sharci noqonaya aheyn ayuu u kala diray Wasaaradda Dastuurka, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga la socodka Dastuurka.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre, oo markaas raiisul wasaare ahaa ogaysiis oo keliya la siiyey.

Maanta Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saxiixay Qaraarkii Golaha Shacabka, waxay ka dhigan tahay “waan socon waayey aan ordo”’.

Qoraalka uu Farmaajo saxiixay maanta waxa uu ku sheegay in kuraasta 13la ee gobolka Banaadir ee uu saxiixay ay tahay KU MEEL GAAR quseeya Baarlamaankaan oo kaliya, soow lama oran karo ujeedada madaxweynaha waa:

1-Inuu buuq iyo carqad hor leh abuuro, si uu meesha uu isaga fadhiyo waligiis, taas oo ah waxa uu raadinayey.

2-In haddii ay u meel marto uu si farsamaysan u keensato 13 kursi oo isaga u codeeya


Puntlandes.com

About The Author