DFS oo markale ka hadashay go’aanka Guddiga Dhexdhexaadinta IGAD, sheegtayna inaysan ciidanka Kenya dalka sii joogi karin

29 Jan 2021 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale eedeyn culus dusha uga tuurtay guddiga dhexdhexaadinta IGAD iyadoo ku tilmaantay in guddigaas uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn.

Qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

“Guddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo dhowr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas tahay mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Dhanka kale qoraalka ayaa lagu xusay inay dawladda Federaalku aysan wax kalsooni ah ku qabin ciidanka Nabad Ilaalilanra ee ka socda dalka Kenya, kaas oo ku siugan Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay arinta Kenya  ka dacwayn doonto Midowga Afrika iyo Golaha Amaanka.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo afka Ingiriiska ku qoran

About The Author