Sawirro: Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray magaalada Kismayo

31 Jan 2021 (Puntlandes) Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen magaalada Kismayo.

James Swan iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa lagu wadaa inuu la kulmi Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka ayaa loogaga hadli doonaa arrimo kaay ka mid yihiin doorashooyinka iyo weliba arrimaha gobolka Gedo.

James Swan ayaa soo dhoweyn hab maamuuskeeda sareysay loogu sameeyay Garoonk diyaaradaha Kismayo, waxaana uu sallaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ka socda Kenya.


Puntlandes.com

About The Author