Madaafiic Hoobiyeyaal oo caawa ku dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii u dambeeyay

02 Feb 2021 (Puntlandes) Madaafiic xoogan ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlada goboleedka Galmudug, xili magaaladaasi ku sugan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya ,Ra’isul Wasaaraha iyo qaar kamid madaxweynayaasha dawlad goboleedyada.

Sida wararku sheegayaan 10 madfac ayaa ku dhacday qeybo kala duwan oo katirsan magaalada Dhuusomareeb, dhawaqa madaafiicda ayaana ah mid si weyn looga maqlay magaalada, iyadoo ay dadka deegaanka cabsi weyn ka muujiyeen.

Duqeyntan xalay ayaa kusoo aadaysa xili magaaladaasi uu ka furmayo shirka wadatashiga oo ay Beesha Caalamku ku cadaadisay Famaajo inii la qaato madaxweynayaasha dawlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, kaas oo looga arinsanayo doorshada dalka oo la isku khilaafsan yahay sida loo fulinayo heshiiskii 17ka september 2020.

Puntlandes.com

About The Author