Madaxweyne Barack Obama oo booqan doona dalka Kenya

Madaxweynaha dalka Marayanka Barack Obama oo aabihiis uu ka soo jeedo dalka Kenya ayaa sheegay inuu booqan doono dalka Kenya  bisha July ee sanadkan.

Barack Obama ayaa ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitterka in uu ka qeybgali doono kulan madaxeedka Global Entrepreneurship ee lagu qaban doono magaalada Nairobi.

Booqashadan ayaa noqon doonto tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Kenya tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka Maraykanka sanadkii 2008.

Obama ayaa booqday dalka Kenya sanadkii 2006 isagoo ah senator hase yeeshee ma uusan booqan isagoo madaxweynaha Maraykanka ah, tanina waxay noqonaysaa booqashadii ugu horaysay oo isagoo madaxweyne ah uu ku tago Kenya.

1904

Barack aabihii ayaa u tegey waxbarasho dalka Maraykanka hase yeeshee waxa uu dib ugu soo laabtay dalka Kenya kadib markii uu dhashay Barack.

Puntlandes.com

About The Author