Sawiro: Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay Barnaamij ay dawladda Puntland soo qaban qaabisay oo shacabka reer Puntland si toos ah su’aalo ugu waydiinayeen Madaxweynaha

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-3-2015 hoolka jaamacada Bariga Afrika ee Garoowe  kaga qeyb-galay Barnaamij ay dawladda Puntland soo qaban qaabisay oo shacabka reer Puntland si toos ah su’aalo ugu waydiinayeen Madaxweynaha.

Barnaamijkaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Aqoonyahan, Ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee Puntland , Haween , Siyaasiyiin , Dhalinayaro iyo masuuliyiin kala duwan .

Halkudhiga Barnaamijka ayaa ahaa ” Oraahda Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee arrimaha Siyaasadda, horumarinta iyo amniga ”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysey oo uu ka jeediyey madasha diirada ku saaray  saddex arrimood oo kala ah Siyaasadda, Amniga iyo Horumarinta Puntland.

”Amniga iyo kala saraynta sharcigu waa muhiim, waana waajibka dawliga ah ee koowaad, dawladdnimadu waxay ka bilaabataa sarraynta sharciga waxayna ku dhammaata sarraynta sharciga ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisu ay  ku dedaashay mudadii ay jirtay tayeynta ciidanka amniga oo uu ugu horeeyo ciidanka Booliska Puntland, waxaana isbadel lagu sameeyey tababar siinta ciidanka, hubka iyo dhammaan agabka ciidan ee  Booliska guud ahaan Gobolada Puntland.

” Ciidanka Boolisku malahayn hub dawladeed, mana lahayn gaadiid dawladeed oo ku filan laga bilaabo caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe ilaa tuulada u dambaysa ee dhulka Puntland, marar badan ayaan is iri tolow sidee ciidankani amniga u sugi karaan hadii aysan haysan agabkii ay ku howlgeli lahaayeen hadase ilaah mahadi meel fiican ayey wax noo marayaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas,

Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas waxaa uu qeexay in siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay isixtiraam iyo isqadarin iyadoo xaquuqda ay Puntland ku leedahay Soomaaliya aan gorgortan laga gelayn.

” Dawladnimo waa hashiis bulsho waxaan xaq u yeelanaynaa in aan dib u eegis ku samayno hashiiska, dastuurakayaguna waa noo ogol yahay, cidii wanaag nagula dhaqanta waan soo dhaweynaynaa, cidii shiddo nala soo aadana waan iska dhicinaynaa ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Waxaan mar dhow fidinaynaa gogol ay isugu imaan doonaan bulshaweynta Puntland, shirkaas waxaa lagaga hadlayaa sidii puntland ay aayaheeda uga tashan lahayd, midnimadana u xigsan lahayn, ujeedada shirku waa in la saxo wixii khaldamay, wixii inoo hagaagayna aan horay uwadno, wixii inaga dhimanna aan kaalinteeda buuxino, PDRC ayaa qaban qaabada shirka gacanta ku haysa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay kullanka ayaa su’aalo kala duwan weydiiyey Madaxweynaha markii uu dhameeyey khudbadiisi , su’aalihii ay shacabku waydiiyeena dhammaantood waa uu ka jawaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Ka soo qeyb-galayaashi Barnaamijka ayaa si farxadi ku dheehan tahay ugu mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shacabkiisa inta uu soo hor fariistay la wadaagay dareenkooda, waana tallaabo ku dayasho mudan.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_3607 IMG_3609 IMG_3612 IMG_3616 IMG_3618 IMG_3632 IMG_3658 IMG_3661 IMG_3662 IMG_3663 IMG_3673 IMG_3675 IMG_3677 IMG_3692 IMG_3701 IMG_3703 IMG_3706 IMG_3708 IMG_3715 IMG_3717 IMG_3720 IMG_3721 IMG_3725 IMG_3727 IMG_3728 IMG_3732 IMG_3733 IMG_3735 IMG_3737 IMG_3739 IMG_3743 IMG_3744 IMG_3749 IMG_3751 IMG_3756 IMG_3758 IMG_3770

Puntlandes.com

About The Author