Daawo Video: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay banaanbaxa ay Midowga Musharaxiinta ku baaqeen

16 Feb 2021 (Puntlandes) Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa ballaaran ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo soo duubay muuqaal ayaa shacabka u sheegay in banaanbaxa maalinta Jimcada ka dhici doono fagaaraha Daljirka daah-soon ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ay hoggaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.
“Waxaan ugu baaqeynaa shacbka Muqdisho inay ka soo qeybgalaan banaanbax lagu doonayo xuquuqda shacabka oo ah in aan kalitalis dalku xukumin.” ayuu yiri Cabdiraxman cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhammaaday muddo xileedkiisa Dastuuriga ee afarta sanno, isla markaana kursiga uusan ku joojin sifo sharci ah ama mid lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga digay cid kasta oo dooneysa inay Carqaladeyso banaanbaxa maalinta Jimcaha ka dhici taalada Daljirka daahsoon ee Gobolka Banaadir, isagoo mar kale shacabka ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay shacabka ku nool gobolka Banaadir inay ka soo qeybgalaan banaanbax ka dhacaya Jimcaha soo socda magaalada Muqdisho.


Puntlandes.com

About The Author