Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii xalay Alshabaab ku qaaday Xabsiga Bosaso

05 Mars 2021 (Puntlandes) Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Bosaso, ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay dabley hubaysan ku qaaday xabsigaas.

Taliyaha ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, isla markaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, Ururka Alshabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Bosaso.

About The Author