Daawo muuqaalo: Shirkii RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo is faham waa ku dhamaaday

05 Mars 2021 (Puntlandes) Shirkii saddexaad ee ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo looga hadlay arrimaha doorashada ayaa ku dhamaaday is faham-waa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay isku fahmiwaayeen hal qodob oo uusan kaligiis go’aan ka gaari karin, kaas oo ah ka qeybgalka musharaxiinta ee shirka doorashada.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeybgaliyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa”ayuu war qoraal ah ku yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intaas raaciyay “wali albaabadeydu way u furan yihiin wadahadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”.

Dhanka kale Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in ay isku deyeen tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo, balse dhinaca kale ka suuragelin wayday.

“Midowga Murashaxiinta wuxuu isku deyey in uu sameeyo tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo. Nasiibdaro dhinaca kale taas kama suuragelin, sababtuna waa in ruux mas’uuliyad iyo awood siyaasadeed uu leeyahay cid ka hoosaysa fariin qoraal ka sugaya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u hadlay mucaaradka.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaaalka Xasan Xundubey Jimcaale oo isna ka hadlay fashilka shirka ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya meel kale laga carqaladaynayo.

Daawo C/raxman C/shakur ”Dowlada Federaalku way diiday wax kasta oo xal ah”

Daawo Wasiir Xudubey oo ka hadlay shirkii fashilmay ee xalay ee RW Rooble & Midowga Musharixiinta

Puntlandes.com

About The Author