Daawo Video: Shir jaraa’id madaxweyne Deni oo bogaadiyey guulaha ciidamadu ka gaareen howlgaladii amni ee ka socday gobolka Bari

06 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada magaalada Bosaso ayaa bogaadiyey guulaha ciidamadu ka gaareen howlgaladii amni ee ka socday gobolka Bari

Madaxweyne Deni ayaa wshaly gaaray magaalada kadib markii habeen hore ay weerareen Alshabaab xabsiga magaalada Bosaso, iyadoo ay Ciidanka amniga Puntland ay ka daba tageen xubnihii ka tirsanaa Alshabaab ee weeraray xabsiga gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maxaabiistii ka baxatay xabsiga.

Madaxweyne Deni “weerarkii xabsiga weyn masuuliyadiisa waa la iskula xisaabtamaya, ciidanka ka jawaabay oo guusha kasoo hooyayna waa lagu abaalmarinaya”

Madaxweyne Deni “runtii waa ay ku amaanan yihiin bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba gaar ahaan Puntland in ay mar walba iska diido dad ajendayaal guracan leh, waxaan rajaynayaa arimaha ku saabsan amniga iyo la dagaalanka argagixisada ma ahan arimo ku milmi kara aragtiyaha siyaasadeed ee bulshadu marxaladaan adag ay la daalaa dhacayso”



Puntlandes.com

About The Author