Puntland: Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari

06 Mars 2021 (Puntlandes) Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida AUN Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

Puntlandes.com

About The Author