Akhriso Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo qoraal u diray Beesha Caalamka

08 Mars 2021 (Puntlandes) Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedo iyagoo qoraalkooda ugaga hadlay xaaladda adag iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.

Waxa ay Midowga Musharaxiinta shaki geliyeen in Farmaajo uu wareejin doono talada dalka iyagoo sheegay inuu sii wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.

Waxay ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay.

Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda hadalka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaajo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegsanayo ciidamada militariga.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ururada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nabadeed.

Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka.

Qoraalka ayey ugu dambeyn Golaha Midowga Musharaxiinta ku dalbadeen:

1 – In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha.

2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan.

3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda.


Puntlandes.com

About The Author