Sawierro-muuqaal: Maamulka dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo oo gudi usaaray inay qiimayn kusoo sameeyen meelaha biyuhu fariistaan

08 Mars 2021 (Puntlandes) Maamulka dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa gudi usaaray inay qiimayn kusoo sameeyen meelaha biyuhu fariistan xili robaadka, gudigaas oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Shaafici Abdulaahi Xaashi. Iyadoo ay gaadiidka ka saacideen hay’adaha KEBARCO iyo NESHA.

Qiimeyn iyo xog ururin badan ka dib waxa maanta si rasmi ah loo daahfuray ka shaqaynta meelaha biyo galeenka ah ee magaalada Gaalkaacyo gaar ahaan suuqa xero dayax goobta daahfurka waxa goob joog ahaa duqa degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Abdinu Aden, Duq ku xigeenka Shaafici Abdulahi Xaashi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Mudug Xasan Wardheere.



Puntlandes.com

About The Author