Madaxweynaha Jubaland oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

09 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la filayaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa inuu yimaado iaydoo ay gelinkii hore yimaadeen ilaaladiisa khaaska ah, waxaana uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Aminga shir oo ka dhacaya xerada Xalane ayaa waxaa sugaya Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray imaanshihiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.


Puntlandes.com

About The Author