Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Xarunta Xalane

09 Mars 2021 (Puntlandes) Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhacday xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin qasaaraha ka dhashay.

Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa ku soo aaday iyadoo lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka sooq qaybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author