Sawirro-muuqaal: Wasiirka maaliyadda Puntland oo Bosaso kaga qaybgalay kulan looga arrinsanayey xaaladda ammaanka ee gobolka Bari

11 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa maanta magaalada Boosaaso kaga qaybgalay kulan looga arrinsanayey xaaladda ammaanka ee gobolka Bari.

Kulanka oo ka qaybsoomay xarunta gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaarkamid goloha Wasiradda, maamulka Gobolka , siihaya Gudoomiyaha Dagmadda, qaarkamid nabadoonada Gobolka, waxkarad ururadda Haweenka iyo Bulshada qaybaha heeda kala duwan.

Waxaa kulanka ujeedadiisu ahayd sidii laysaga kaashan lagaa sugidda ammaanka guud ee magalada Bosaso. Waxgaradkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa soo dhaweyay shirka looga hadlay amniga waxayna balan qeeden in ay door weyn ka qadan doon amniga Magalada Bosaso.

Wasiirka Wasaradda Maaliayadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay kulanka ayaa shacabka Magalada Bosaaso uga baaqay in ay la shaqeyn Ciimada si looga guuleyso Cadowga
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa bulshada magaalada Boosaaso uga baaqay in qofkii gurigiisa laga soo helo qof cadow ah dowladu ay kala wareegi doonto gurigasa isna sharciga la marsiin doon.

 



Puntlandes.com

About The Author