Wasiirka Caafimaadka Puntland “DFS  waxay noo soo fasixi la’ dahay lacag deeq ah oo lagu dhammaystiri lahaa cisbitaalka Gaalkacayo”

12 Mars 2021 (Puntlandes) Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax oo ka hadlay lacag lagu dhamaystiri lahaa Cisbitaalka wayn ee magaalada Gaalkacyo oo ay dawladda Federaalka Soomaaliya ka xanibtay Puntland.

Wasiir Jaamac ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay noo soo fasixi la’ dahay lacag deeq ah oo lagu dhammaystiri lahaa cisbitaalka Gaalkacayo, ma naqaan sababta
Lacagtan isbitaalka Gaalkacyo oo ah tan ugu yar deeqaha iyo Mashariicda ka xayiran Puntland, ayaa qayb ka ah mashariicda iyo deeqaha tirada badan ee Farmaajo ka xayiray Shacabka iyo dowladda Puntland, 4tii sano ee uu xilka hayay”


Puntlandes.com

About The Author