Daawo Sawiro-muuqaal: Xerada Abqaale ee degmada Xarfo oo tababar loogu soo xiray cutubyo katirsan Ciidamada dowladda Puntland

03 April 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna guddoomiyaha guddiga dibu-habaynta Ciidamada dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xerada Abqaale ee degmada Xarfo tababar ugu soo xiray cutubyo katirsan Ciidamada dowladda Puntland.

Mudane Xasan Shire oo ay weheliyaan Wasiirka amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan iyo taliyaha Ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa tababarkan u soo xiray dufcaddii ugu horraysay ee ka baxda dugsiga Abqaale, iyadoona loo bixiyey Guutada Gama’diid.

Wasiir ayaa ka hadley sida ay dawladda Puntland uga go’an tahay dib u dhiska iyo dib u habaynta ciidamadda dowladda, wuxuuna sheegay mar kasta inuu Ahmiyad wayn siinayo bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidamaddu ku leeyihiin dowladda Puntland.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Wasiirka Wasaradda Amniga ayaa waxaa ay bogaadin u soo jeediyeen masuuliyinta Maamulka ,saraakiisha iyo macalimiintii qabtay shaqada wanaagsan.



Puntlandes.com

About The Author