Sawirro-Muuqaal: Gudigga dib u habaynta Ciidamada Dawladda Puntland oo baoqday Xerada Siinay magaalada Gaalkacyo

07 April 2021 (Puntlandes) Gudigga dib u habaynta Ciidamada Dawladda Puntland ayaa boqday Taliska Ciidamada daraawiishta Xerada Siinay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Gudigga Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada daraawiishta Mudane Gen Yaasiin Cumar dhere ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada daraawiishta.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Gudigga xog- dheeraad ah ka siiyay Ciidamada daraawiishta, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan Dalkooda.
Xerada Siinaay ayaa ah mid ay ilgaar ah ku hayso Dawladda Puntland waana kayddka Madaaficada Hubka waawayn ee dawladda Puntland.

Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni waxaa ka go’an dhisada Ciidamo tayo leh iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

 



Puntlandes.com

About The Author