Farmaajo oo Kinshasa kula kulmay Felix Tshisekedi

19 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday aa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu la wadaagay Tshisekedi “guulaha” ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in kulanka oo dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshasa looga hadlay muhiimadda ay labada dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha labada daliyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo La-taliyeyaal ka tirsan madaxtooyada

 

About The Author