Akhriso tarjumaadda warmurtiyeedkii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ku cambaareeyey tallaabadii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka

22 April 2021 (Puntlandes) Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa fadhi ay yeesheen waxay kasoo saareen war murtiyeed ay ku cambaareeyeen tallaabadii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.


14 qodob oo caawa kasoo baxay shirkii golaha kayaa waxaa diirada lagu saarey xaaladda Soomaaliya waxaana soo baxay bayaan culus oo lagu laalay xeerkii muddo kordhinta baarlamanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha.

Bayaanka lasoo saarey oo muujinaya,jadwal hagi doona ama lagu maamulayo doorashada Dalka islamarkaana lagu xakameyn doono awooda ciidamadda Soomaalida ee la tuhunsan yahay arrimo siyaasadeed inuu u isticmaalayo Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Tarjumtay nuqul ka mid ah bayaanka caawa kasoo baxay gollaha amaanka midowga Afrika,qodobadiisu waxay u dhigan yihiin sidatan hoose:

1.Gollaha Amaanka Midowga Afrika wuxuu walaac qoto dheer ka muujinayaa tallaabaddii gollaha shacabka Soomaaliya 12 Abriil 2021 ku meelmariyeen muddo kordhin,kuna saxiixay Madaxweynuhu 13 Abriil 2021,waa arrin meesha ka saaraysa heshiiskii 17kii Sebtember 2020 ee dhigaya hanaanka loo mari lahaa doorashada Soomaaliya.

2.Wuxuu golluhu cambaareyay ficilladii 12 Abriil 2021 gollaha shacabka Soomaaliya ku kordhiyeen mudada xilhaynta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka,waxayna taasi wiiqeysa midnimada,xasilloonida,geedi socodka dimoqraadiyada iyo dastuurka dalka Soomaaliya,,sidoo kalena waxay khatar ku tahay amniga qaaradda iyo guulaha muhiimka ah oo ay samaysay Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay,iyadoo la kaashanayo Midowga Afrika iyo hawlgalayaasha kale ee caalamiga.

3.Gollaha Amaanka midowga Afrika wuxuu walaac dheeraad ah oo qoto dheer ka muujinayay saameynta suurtagalka ee xaaladda siyaasadeed oo hadda jirta iyo cimilada ku aaddan isku xirnaanta xiriirka,midnimada ciidamada Soomaaliya,aaladaha amniga iyo awoodda lagula dagaalamayo in lasii wado hawlgaladdii ka dhan ka ahaa la dagaalanka AlShabaab.

4.Golluhu wuxuu qirayaa heshiiskii Sebtember inuu ka dhashay wadahadal ay hoggaaminayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubinta ka ah dowladda dhexe (FMS),taasina waxay cadeysay baahida loo qabo doorashooyin qabsooma iyo inaysan Soomaaliya awoodin hadda inay fuliso doorasho hal qof, hal cod oo ku filan guud ahaan 2020/21,wuxuuna xaqiijinayaa gollaha amaanka midowga Afrika heshiiskii 17 Sept 2020 inuu yahay aasaaska iyo dariiqa ugu macquulsan oo loo mari karayo doorashooyin hufan oo ka dhaca dalka Soomaaliya.

5.Wuxuu ku boorinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya mudnaanta inay siiyaan danaha guud ee dalka,si dhakhso lehna dib u bilaabaan wadahadaladdii,iyagoo ku saleynaya heshiiskii 17 Sebtember 2020 iyo talooyinkii guddiga farsamada ee Baydhabo,iyagoona raadinaya xal is-afgarad ah oo ku saabsan ka hortaga arrimaha carqaladeynaya abaabulka doorashooyinka;

6.Golluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay isxakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficilladda horseedi kara inay sii kordhaan xiisadaha,islamarkaana sii carqaladeynaya xasilloonida Soomaaliya,tan gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

7.Golluhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo daneeyayaasha Soomaaliya inay qaataan wadahadal loo dhanyahay oo xaqiijinaya kaqeybgalka siyaasadda doorka haweenka iyo dhalinyarada.

8.Golluhu wuxuu ku adkeynayaa muujinta kalsoonidaas inay lama huraan u tahay isu tanaasul siyaasadeed iyo wada tashiyo sal ballaaran,kusoo noqoshada wadahadal hufan iyo wada-tashiga waddanka oo dhan oo ka dhexeeya daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya,oo ay ku jiraan FGS iyo FMS; sidaas darteedna waxaanu xaqiijineynaa u diyaarsanaanta Midowga Afrika ee lagu taageerayo geedi socodka wada hadalka iyada oo loo marayo fududeynta iyo dhexdhexaadinta, kaas oo tilmaami doona habab cusub oo lagu gaadho is afgarad ku saabsan qaababka doorashada iyo jadwalka shaqada lagu shaqeyn karo.

9.Sidaas darteed golluhu wuxuu ka codsanayaa Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika inuu si dhakhso leh u magacaabo oo u diro Soomaaliya,wakiilka sare oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya,in lala shaqeeyo dhinacyada iyo qaybaha kale ee ay quseyso,iyadoo la kaashanayo wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka iyo Madaxa AMISOM,si loo gaaro tanaasul la aqbali karo iyo in dib loogu soo celiyo gollaha afarta toddobaad ee soo socota.

10.Golluhu wuxuu hoosta ka xariiqayslaa baahida loo qabo xisbiyadda siyaasadda Soomaaliya inay si niyad wanaag ah uga wada xaajoodaan raadinta heshiis u oggolaanaya qabashada doorashooyinka oo leh jawi siyaasadeed oo deggan oo loo dhan yahay ;

11.AU waxay ku muujineysaa go’aankeeda ku saabsan inay ka caawinayso mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo daneeyayaasha geeska Afrika sidii loo hirgalin lahaa qorshe doorasho oo la isku raacsan yahay, oo ay ka mid tahay keenista howlgalka gargaarka doorashada muddada fog si loo taageero dadaallada ku aaddan xaqiijinta.

12.Codsiyada AMISOM,waxaa laga sugayaa inay cusboonaysiiyaan waajibaadkooda shaqo iyo inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF),wuxuu kaloo golluhu ka codsanayaa Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika,in si deg deg ah loo qabto shirarka ciidamada booliska,dalalka ku tabarucaya (T / PCCs) heerarka danjiraha iyo Guddiga Isuduwidda howlgallada militariga (MOCC) heerka Taliyayaasha ciidamada difaaca iyo in la tixgeliyo saameynta amni ee jahwareerka siyaasadeed oo hadda jira iyo khariiradaha xulashooyinka wax looga qabanayo laguna yareynayo;

13.Golluhu waxay ku baaqayaan IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan UN,EU, iyo shuraakeyaasha kale ee muhiimka ah, inay sii wadaan la shaqeynta AU si ay dhinacyada Soomaaliyeed dib ugu soo celiyaan miiska wadahadalka iyo inay ka caawiyaan siday u gaari lahaayeen heshiis siyaasadeed oo nabad ah.

14.Golluhu wuxuu go’aansaday inuu si firfircoon gacanta ugu hayo arrimahaas oo idil.

About The Author