Dhagayso waraysi: Waare oo sharxaya sababta heshiiska 17-ka September loo fulin waayey

28 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu djhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu maalinta Sabtida ah ee soo socota hortagayo Golaha Shacabka si uu u weydiisto inay dib usoo celiyaan heshiiskii 17-kii September, waxaana uu shir ugu baaqay saxiixayaasha heshiiskaas.

Beesha caalamka iyo mucaaradka dawladda ayaa tan iyo intii Aqalka Hoose muddo kororsiga uu sameeyey waxay sii xoojiyeen baaqyadooda ku aaddan in lagu laabto heshiiska 17-kii September.

Haddaba maxaa heshiiskaasi horey ugu fuli waayey? Maxay yihiin caqabada keenay inay burbruraan wada-hadalladii ku saabsanaa doorashada ee u dhexeeyey madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada?

Idaacadda VOA ayaa weydiisay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii saxiixay heshiiskii 17-kii September – waa madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhagayso waraysiga dheer oo xoggo xasaasi ah xambaarsan

Puntlandes.com

About The Author