09 May 2021 (Puntlandes) Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir, wuxuuna ka dhacay saldhigga degmada Waaberi, oo ku yaalla meel u dhaw isgoyska Dabka.

Taliyihii Saldhigga degmada Waaberi Axmed Baashane (Calooleey) ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday Qaraxaas, waxaa isna dhaawac ka soo gaaray Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Waaberi, waxaana jira khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Puntlandes.com

About The Author