Taliye xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir oo dhaawicii u geeryooday

09 May 2021 (Puntlandes) Allaha u naxariisto taliye xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle dhexe Cabdi Baasid Maxamuud Cageey oo ku dhaawacmay Qaraxa Caawa ka dhacay saldhiga waaberi ee Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawacii so gaaray.


Waxaa isna ku geeryooday qaraxaas taliyihii Saldhigga degmada Waaberi Axmed Baashane (Calooleey) , halkan ka akhriso

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliska qaybta gobolka Banaadir ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxa caawa, isagoo iminka saaran saalada qalliinka.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in xilliga uu qaraxu dhacayay inuu saldhiga degmada ka socday shir u dhaxeeyay saraakiisha ciidamada Booliiska.

About The Author