Khilaafkii u dhexayay M Gaas iyo Saraakiisha Xilka uu ka Qaaday oo Xal Buuxa laga Gaaray

Waxaa Xal Buuxa laga gaaray Khilaafkii u Dhexayay Madaxweynaha
Puntland iyo Saraakiil uu Xilka Qaadis ku samayay oo kala ahaa Taliye
ku Xigeenkii Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse iyo
Taliyihii Sirdoonka Puntland Col Cabdi Xasan Xuseen Cabdi-Yare.
Khilaafkaan oo Qaatay inka Badan 2 Bilood Ayaa Ugu damayntii Laga
Gaaray Xal Buuxa Arintaan oo uu Gacan Ka Gaystay Raisal Wasaaraha
Somaliy Mudane Cumar Cabdirishiid, Isimo iyo Aqoonyahanno ayaa ugu
Damayn lagu heshiiyay in Gen Muxiyadiin Dib loogu magacaabo Booskiisii
Hore ee Taliye Kuxigeenka Booliska oo Siyaasiyiin iyo Waxgarad Badani
sheegeen inaan Dalku ka Maarmin Gen Muxiyadiin oo ah Nin Dalka Shaqa
badan ka Qabtay.

Dhanka kale Madaxii Sirdoonka Col Cabdi-Yare ayaa Lagu
Heshiiyay inuu xilka ku Wareejo Agaasimaha Cusub oo Laba Bilood ka hor
la magacaabay Abdirizaq Ciise Khaatumo oo isagu aan Wali Shaqada
Bilaabin maadama uu Wali Xarumihii iyo Ciidankii Hay’adaas ay wali
sitoos ah uga Amar Qaadanayeen Taliyihii Hore ee Sirdoonka Col
Cabdi-Yare iskusoo wada Duuboo Heshiiskaan ayaa Soo Afjaraya Ismari
waa siyaasadeed oo Muddo taagnaa kaasoo Samayn ku yeeshay Dhamaan
Amniga Puntland iyo Shaqada Dawladda iyo waliba Dhirar Heer Calami ah
oo Ka Dhicilahaa Puntland.

Puntlandes.com

About The Author