Sawirro: Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari oo laga Daahfuray Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha

22 May 2021 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa laga Daahfuray Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha golaha deegaanka, taas oo si tijaabo ah uga dhacaysa sadex degmo oo ka mid ah Puntland.

Munaasabadda daah-furka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Degmada Ufeyn aya waxaa kasoo qayb-galay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka dawladda Puntland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummadda, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Ufeyn, Isimo, Wakiillo ka socday Ururada siyaasadda Puntland, Guddiga Doorashada ee (TPEC), Bulshada Rayidka iyo dadweynaha reer Ufayn.

Horay ayaa waxaa Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha golaha deegaanka looga bilaabay degmooyinka Qardho iyo Eyl ee gobolada Karkaar iyo Nugaal.


Puntlandes.com

About The Author