Midowga Afrika oo ka hadlay is casilaadii John Mahama

23 May 2021 (Puntlandes) Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ay ku diiday magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ahaa wakiilka sare ee Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay ka xuntahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ay ku diiday ergeygan.

“Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaan ku boorrinaynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC) ayaa lagu yiri bayaanka.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Horaantii bishaan, Soomaaliya ayaa diiday magacaabista Mahama iyadoo ku doodeysa in madaxweynihii hore ee dalka Ghana uu xiriir ballaaran la leeyahay Kenya, oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso khilaaf siyaasadeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa warqad u qortay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ku wargalisay in ay taageero u haynin shaqada cusub ee Mahama.

About The Author