Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad socda iyo wararkii u dambeeyey

23 May 2021 (Puntlandes) Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii labaad socda iyadoo kulanka maanta uu yahay mid albaabada u xiran.

Kulanka oo shalay bilowday ayaa la filayaa in Madaxda ay guda galaan qodobada qaar ee horay tabashada uga jiray ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka.

Arrinta Somaliland ayaa la sheegayaa inuu yahay qodobka ugu adag ee dooddiisa ay hareyn doonto shirka, maadaama mid ka mid ah labada dhinac ee isku haya arrinta Somaliland uusan weli ku qanacsaneyn qodobkii is fahamkii shirkii Baydhabo.

Xalay Madaxweynayaasha Puntland  iyo Jubaland ayaa kulan la yeeshay xubnaha matala Somaliland oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed, hase yeeshee waxaa ka maqnaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Waxaa soo baxaya dhaliil xubnaha uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi u jeedinayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ah inuu la safan yahay Mahdi Guuleed, isla markaana uu qabo fikirkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Mahdi Guuleed go’aan ka soo gaaro arrinta Gobolada waqooyi.

About The Author