Guddiga KMG Doorashooyinka (TPEC) oo shaaciyey inay hayaan caddaymo dad isku dayey inay marar  badan is-diiwaangeliyaan

23 May 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka (TPEC) ayaa maanta waxay shaaciyeen inay hayaan caddaymo dad isku dayey inay marar  badan is-diiwaangeliyaan, iyagoo soo bandhigay sawir muujinaya qof dhawr jeer is-diiwaangeliyey.

Guddiga KMG Doorashooyinka ayaa qoraalka uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay wuxuu u qornaa qoraalka gudoomiyaha sdan:

Waxaa jira dad system ku soo qabtay oo isku dayay inay halmar wax ka badan isdiiwaangeliyaan, marka diiwaangelintu dhamaato waxaan soo saaridoonaa liiska dadka iskudayadaas sameeyay waxaana loo gudbindoonaa hay’adaha cadaaladda si loogu qaado ciqaabta ku haboon, sida uu qabo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaashu.

Sawirka hoos ka muuqda waa qof oo system ku soo qabtay, wajiga iyo macluumaadka waxaan calaamadda usaarnay inaan la aqoonsan ka hor inta aan u gudbinayno hay’adaha caddaaladda.

Puntlandes.com

About The Author