Maxaa ka jira in dawladda Puntland ay xaraashayso dhulkii danta guud ee magaalada Gaalkacyo?

23 May 2021 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay oo heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in dawladda Puntland ay xaraashayso dhulkii danta guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana xaraashka dhulkaas u xilsaaran wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhamabcad.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay dawladdu iibisay dhulkii Bankiga oo ay xukuumaddii Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay dayactirtay.

Bangiga ayaa ku yaala bartamaha magaalada Gaalkacyo wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 40mx40m, taas oo u dhiganta 4 boos 20mx20m ah, waxayna dawladu ku xaraashtay sida ay xogta ku ogaatay Warbaahinta Puntlandes $700.000 doollar.

Dhulka kale ee ay dawladdu iminka xaraashaysao ayaa kala ah Saldhig Booliis, Kaalintii Shidaalka, Iskoolka Bardacad iyo Madaxtooyada dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay xukuumadii Dr Gaas.

Madaxtooyada waxay ku fadhidaa dhul aad u baaxad wayn waxayna ku taalaa centerka magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay xykuumaddii Dr Gaas ka dhistay dhul ballaaran oo ay ka dhisnaayeen dhismayaal dawladeed oo dan guud ahaa.

Iskoolka Bardacad ayaa waxaa la dhisay xiligii gumaysiga Talyaaniga, wuxuuna u dhexeyaa wakaaladii Batroolka ummadda iyo xero Dayax, waana eeriyo centerka magaalada, wuxuu haystaa qiyaastii dhul ah 100mx60m, kaas oo ah dhul aad wayn. Iskoolka Bardacad waxaa iminka dhigta caruur aad u badan oo reer Gaalkacyood ah aanna haysay meel ay Iskuul ku dhigtaan haddii ay dawladu xaraashto sida u qorshaysan.

Xaraashaka dhulka dawladda ayaa waxaa xukuumada Puntland ee Siciid Cabdulaahi Deni looga diiday magaaloyinka Garowe iyo Qardho, iyadoo ay waxgaradka magaalooyinkaasi ka horyimaadeen, halka Gaalkacyo waxgaradkeedii iska jiifo.

Maxamed Dhabancad waa nin reer Gaalkacyood ah xukuumaddana ku metala, waxayna shaqadiisii noqotay inuu xaraasho oo dulaal ka noqdo dhulkii danta guud ee magaaladiisii!!!!!

Puntlandes.com

About The Author