Daawo muqaal: Madaxweyne Deni oo bogaadiyay habka ay u socoto hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada Puntland ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn

23 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay habka ay u socoto hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada Puntland oo hadda ay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ay ka socoto saddex-dii degmo ee ugu horeysay kuwaasi oo kala ah Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Hambalyeeyay Ardeyda Puntland oo shalayto u fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanadka 2020/2021, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Dowladda ee kala shaqeeyay in iyadoo adduunka uu ka jiro Cudurka Covid19, hadana ay ardeydu gelayso Imtixaanaadkii.

Dhanka  kale madaxweynaha ayaa kahadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isagoo rajo fiican ka rajeeyey in lagu xaliyo carqabadihii ku horgudbanaa inay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.


Puntlandes.com

About The Author